Monday, 19 October 2009

Xus iyo Maamuus

Si loo sugo jiritaanka magaca halgamayaashii ayaa mid ka mid ah labada xaafadood ee ugu waaweyn Hargeysa loogu magacdaray Mujaahid Lixle. Waxaan marna maanku hilmaamayn siidayntii maxaabiistii Madheera oo guul weyn aheyd hagardaamana ku aheyd dawladii habaarqabto.

Sheekh Aadan Siiro oo ka hadlayey mujaahid Lixle ayaa lahaa : “Mujaahid Lixle wuxuu ka mid yahay dadka tirada yar ee dhifta ah ee ummada reer Somaliland ku dhaadato”. Waxaanu xusay Sheekh Aadan Siiro in ay ayaan daro tahay in dadkii noocaas ahaa ee udub dhexaadka u ahaa taariikhda dalka la iloobay.

Maalintaa ku beegnayd dhimashadii Mujaahid Lixle (IHUN) iyo Mujaahidiintii la geeriyoodayba waxaa loo qoondeeyey in laga dhigo maalinta Mujaahidiinta, waana maalin qiimo weyn ku leh ummada Somaliland oo aan la ilaawi karin,halka ay mujaahidiinta qaarkood ku tilmaameen inay ahayd maalintii ay isbarteen Faqash iyo SNM. Geesiga mujaahid Lixle ayaa tix iyo tiraaba lagaga hadlay, waxaana ka mid ahaa maansoyahanka magacaabay Aadan Tarabi Oogle, Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Ibraahim Aw Saleebaan Cilmi Gadhle, Maxamed Axmed Xirsi, Cali Banfas iyo rag kale oo badan.

Birjeex deedankeedii
Laga diday kulkeediyo
Degsan baan ku dhaartay
Lixle damacyadiisii
Diric Ina Saleebaan
Duxan baan ku dhaartay

Hadraawi

Hadaanan hadaanan
Hadaanan gadoodka
Lixloow guga maanta
La soo hadhin guusaha
Waxaan gabaygayga
guubaabada ciilka
Gammaanka cadhaysan
Gargooska ku naaxsho
Haddaan gulufkooda
ku soo gambiyaaye

Cali Banfas

Shilke-liqe, Shaf-buur iyo Maloosh, Shakaytiyo Waafi
Shakiib Burur, Shiri iyo Nagiib, Shaarub iyo Xaamud
Shir-bilihii Koosaar iyo Tusbax, Shiishaayiyo Aaden
Shayib Gurey, Shabcaaniyo Bidhiidh, Sheekeeyiyo Raage
Shulaac iyo Malgaash iyo Lixle, Shoodhe Gacma-dheere

Yuusuf Dhamac Xasa

Hindisihii ina Xaashi waa, Lama Hilmaamaane
Duqsi waa Halkuu Galay Raggii, Huriyay Duullaane
Waa Halkuu Wadaad-Diid Go`aan, Qaatahy aan Hadhine
Waa Horseedkii Koosaar Wadiyo, Haybsigii Madare
Waa Horkicii Jimcaaliyo Ragguu, Soo Hannaan baraye

Maxamed Cali Cartan (Haldeeq).

No comments:

Post a Comment